Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ee martigelinta shir madaxeed gaar ah oo dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, kana tirsan hawlgalka AMISOM ay isugu yimaadaan magaalada Djibouti.
Madaxweynaha ayaa ka hadley kulan gaar ah oo madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ku yeesheen magaalada New York, halkaas oo ay ku falanqeeyeen qaabka ugu wanaagsan ee la isugu dubbaridi karo hawlgalada milatariga iyo xasilinta ee ay wadajirka u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika (AMISOM).
“Waxaan walaalaheena Afrika uga mahad celineynaa dadaalka ay naftooda inoogu hureen, iyagoo gacan ka geysanayaa qorshaha nabad raadinta ee dowladda. Aad baan ugu ammaanayaa dadaalkooda geesinimada leh. Waan soo dhoweynayaa shir madaxeedka uu soo jeediyay walaalkey Ismaaciil Cumar Geelle, si aan horey ugu sii wadno wadatashiga aan halkan ka bilowney ee lagu tayeynayo hawlaha AMISOM, isku dubbaridka wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo in la bilaabo diyaar garowga ka bixintaanka AMISOM ee Soomaaliya, si ciidammo Soomaaliya ay leedahay ay hawsha ula wareegaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments