Goobjoog

Madaxweynaha Nigeria Oo Isku Magacaabaya Wasiirka Petrolka Dalkaasi

Madaxweynaha Nageria ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Talaadadii in uu qaban doono Wasaaradda Petroolka dalkiisa. Maxamed Bukhaari ayaa sababta ku sheegay in aanay jirin cid kale uu ku…

Madaxweynaha Nigeria Oo Isku Magacaabaya Wasiirka Petrolka Dalkaasi
President Muhammadu Buhari addresses members of the National Working Committee during the meeting of the All Progressives Congress (APC) party at the headquarters of the party in Abuja, Nigeria July 3, 2015. REUTERS/Afolabi Sotunde

Madaxweynaha Nageria ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Talaadadii in uu qaban doono Wasaaradda Petroolka dalkiisa.

Maxamed Bukhaari ayaa sababta ku sheegay in aanay jirin cid kale uu ku aamino Wasaaraddan Kheyraadka badan.

Madaxweynaha Nigeriya weli ma dhisin Xukuumadda balse Baarlamaanka ayaa ka sugaya in horkeeno Madaxweynaha Xukuumad maalmaha soo socota.

Bukhaari oo haatan ku sugan Shir Madaxeedka Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha dalkaas 70%-kiiba.

Madaxweynaha  waxaa uu horay Madax u aga ahaa xafiiska  Petroleum Trust Fund 90-naadkii xiligii  Madaxweyne Sani Abacha, waxaa kaloo uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Petroolka 70-yadii xiligii dowladdii Olusegun Obasanjo.

Maxamed Bukhaari oo doorashada u galay la dagaalanka Musuqa ayaa intaa raaciyay in uu dib u soo celin doono dhamaan lacagihii la xaday.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments