Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo lagu soo dhaweeyay degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaban la dahay howlihii looga baahnaa, islamarkaana madaxda hogaamineysa ay diideen Talada waayo aragii.
Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay dhibaato ka jirta, islamarkaana sababta ugu weyn ee dowladda u socon la dahay ay tahay talada oo la diidan yahay.
“Xamar dhibaato ayaa ka jirta, dowladda wey socon la dahay, waxay la socon la dahay waxaa ugu daran meel ay u dhaqaajiyaan ayeey garan la yihiin, Waayo aragii wey diideen, iyagana maba fahmayaan oo waa dad meesha kusoo biiray, madaxa ayeey darbiyada la dhacayaan, cadowgii ayaana ka faa’ideysanaya, maalin walba qarax iyo wax la mid ah baa dhacaya” ayuu yiri Jeneraal Galaal.




From the comments