Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa cabasho waxay ka muujinayaan maraakiib shisheeye oo weli dhibaato ku haya Kallumeysatada, sidoo kalena xaalufinaya kheyraadka badda Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha dallada Hibo oo ay ku bahoobeen Kallumeysatada Soomaaliyeed, Xasan Maxamed Rooble ayaa u sheegay Goobjoog News in dhibatada ugu weyn ay tahay Kalluumeysatada Soomaaliyeed in badooda ay ka baqayaan, hadii ay isku dayaan in ay badda galaanna ay caqabado la kulmaan.
Waxa uu sheegay in kalluun yarida ka jirta dalka ay sabab u tahay kalluumaysigaasi sharci daradda ah ee ay wadaan maraakiibta shisheeye, waxaana uu soo hadal qaaday in mararka qaar maraakiibta shisheeye ay qaataan shabaakadaha ay wax ku kalluumaystaan.




From the comments