Magaalada Balanballe waxaa ka soconaya barnaamijyo dhallinyarada looga wacyi galinayo burcad badeednimada iyo in ay ka qeyb qaataqn dhibaatooyinka amnidarrada ah.
Axmed Aadan Ashkir oo ah gudoomiyaha Urur dhallinyaro oo ka jira Balanballe ayaa sheegay in barnaamij wacyi galin ah oo ay iska kaashanayaan dowladda Federaalka iyo urur daneeya horumarinta dhallinyarada ay degmadaasi ka billaabeen.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha ururkaasi in 60 dhallinyaro ah oo isugu jira kuwo horay burcad badeed u noqday, qaar wax barashada isagatagay iyo kuwo hadda laga cabsi qabo in ay noqdaan burcad badeed loo qabtay barnaamijkaan.




From the comments