Goor dhaw ayaa dib waxaa hawada ugu soo laabatay Isgaarsiinta magaalada Baldweyne oo saacado badan maqneyd.
Isgaarsiinta ayaa la sheegay in uu damiyay maamulka gobalka Hiiraan sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada mamulkaasi Sheekh Xuseen Cismaan Cali.
Waxa uu sheegay in sababta loo damiyay Isgaarsiinta ay ahayd howlgallo ay wadeen ciidamada amniga, balse ma aanu sheegin howlgaladaan nooca ay ahaayeen iyo waxa ay qabteen.




From the comments