Maamulka Talefishinka Universal ayaa sheegay in hay’adda nabad sugidda qaranka ay magaalada Muqdisho ku xirtay Labo ka mid ah wariyeyaasheeda.
Madaxa Wararka Tv-gaasi Maxamed Axmed Xaaji (Cagmadhige) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xiran yihiin Cawil Daahir Salaad iyo agaasimaha Tv-gaas Qeybta bariga Afrika Cabdullaahi Xirsi Kulmiye looga yeeray Xarunta nabad sugidda, loona sheegay in su’aallo la weydiin doono balse la xiray.
Cagmadhige ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee arrintaasi tahay ka dib dood wadaag 30-kii bishaan ka baxday Tv-ga, kaasi oo ay ka qeybgaleen xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo dad shacab ah.




From the comments