Faah Faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada maamulka degmada Beledxaawo oo qaab qabiil u abaabulan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay Iska horimaadkaasi, sidoo kalena dad ku dhaw 10 ayaa weerarkaasi dhaawac uu kasoo gaaray sida ay inoo sheegeen dad ku sugan degmadaasi.
Iska horimaadkaan oo la ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa hadana dadka qaar waxay inoo sheegayaan in degmada ay ka jiraan aanooyin la xiriira dhanka qabiilka.




From the comments