Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka Denmark
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiirka Cusub ee Dowladda Denmark ay usoo Magacaawday Soomaaliya Mss Mette Knudsen Xarunta Madaxtooyada Qaranka uga Guddoomay, warqadaheeda aqoonsiga Safiirnimo.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dale e Soomaaliya iyo Denmark.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Cusub ee Dowladda Denmark waxaa Goobjoog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya mudane C/Salaan Hadliye Cumar.
Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya u joogi doona Mss Mette Knudsen Oo warbaahinta dowladda la hadashay ayaa ka hadlaysa Magacaabisteeda Soomaaliya
“Maanta maalin wayn ayay ii tahay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iga guddoomay Warqadahayga aqoonsiga Safiirnimo waxaana si dhow uga shaqayn doonaa Xiriirka labada dale e Denmark iyo Soomaaliya” Ayay tiri Mss Matte Knudsen.
Iyadoo sii hadlaysa Safiirka Dowladda Denmark waxa ay sheegtay in Denmark ay Samaysay qaab cusub oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Horumarinta Dowladda iyo Dowlad Gobolleedyada dalka kajira iyo si doo kale in fursado shaqo loo abuuro Dhallinyarada Soomaaliyeed.