Cabsi xooggan ayaa soo wajahday shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe, taasi oo ku aadan in fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.
Shacab aad u badan oo kaashanaya maamulka gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa degmada Jowhar iyo deegaanada kale ee ku dhaw waxay ka biilaabeen inay dhigaan difacyo carro tuur ah, si aanu wabiga ugu soo fatahin.
Wariyaha Goobjoog Fm ee degmada Jowhar Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in degmada Jowhar uu ka socdo dadalallo aanay shacabka iyo maamulka intaba u kala harin.




From the comments