Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay duleedka degmada Baardheere, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay.
Ciidamado ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi, gaar ahaan wadada aada degmada Saakow ee Jubada Dhexe.
Hal qof ayaa la xaqiijiyay in halkaasi uu ku dhintay iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay Seddax, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhaw halkaasi.




From the comments