Ilaa 13 qof oo ciidan ah ayaa ku dhintay halka 9 kale ku dhaawacmeen Sawaariiq lagu garaacay xarunta ay ku shaqeyso Xukuumadda Yemen ee magaalada Cadan.
Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dhintay ahaayeen Yemen iyo Imaaraadka isagoo intaa raaciyay in dhacdadan ay mas’uul ka yihiin Xuutiyiinta iyo Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salix.
Mas’uul ciidanka Yemen ka tisan ayaa sheegay in markii Xuutiyiinta iyo taageerayaasha Salix ay ku guuldareysteen dagaalkii dhulka ay bilaabeen duqeyn fulanimmo ah.




From the comments