Ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ayaa xalay xabsiga dhigay Cabdullaahi Dhoodi oo shalay duleedka Dhuusamareeb kaga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamulka gobalada Dhexe.
Maamulka Ahlu-sunna ee degmada Dhuusamareeb waxay sheegeen in C/laahi uu ahaa guddoomiye waaxeed xaafad kamid ah magaalada Dhuusamareeb, xilkiina laga qaaday taasna ay keentay inuu tallaabadani qaado.
Saraakiil ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegay in su’aallo ay weydiinayaan shaqsigaan, taasi oo ku aadan waxa ku kallifay inuu sheegto madaxweynaha maamulka Gobalada Dhexe.




From the comments