Odayaasha dhaqanka ee magaalada Baydhabo ku xareysan si ay usoo xulaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixiyay halka uu marayo qorshaha soo xulista baarlamaanka maamukaasi.
Nabadoon Qaasim Cabdalle oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa isaga oo u waramay Gooayaa sheegay in awood qeybsiga baarlamaanka lagu heshiiyay isla marklaana, ay jirto cabasho ay qabaan beelaha qaar.
Wuxuu tilmaamay in dadka deggan degmada Ceel-barde oo kaliya ay cabanayaan, isaga oo carabka ku dhuftay in dhismaha baarlamaanka ay ku jiraan dhammaan dadka Koonfur Galbeed wada deggan laakiin dadyowga qaar ay ka tabanayaan tirada la siiyay oo yar.




From the comments