War Saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka nuqul ka mid ahna ay heshay Goobjoog News ayaa lagu sheegay in Xeer Ilaaliyaha qaranka uu Guddoonka baarlamaanka ka o ogolaaday in Weriyeyaasha xorriyadooda si degdeg ah ugu celisyo .
War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xildhibaanada arinta ku lugta lahaa arrintooda loo diro Guddiga Xeer hoosaadka iyo Anshaxa iyo Guddi Hoosaadka ilaalinta sumcadda iyo hufnaanta hawlaha Baarlamaanka federaalka si tallabada haboon uga qaadaan.
Waxaa sidoo kale lagu booriyay Milkiilayaasha warbaahinta in ay dhowraan xurmada Saxaafadda, tixgaliyaan danta iyo wanaagga guud ee qaranka.




From the comments