Qaar ka mid ah beeraleyda ku dhaqan degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan rag ay sheegeen in ay hubeysan yihiin, islamarkaana beeraleydaasi ka qaada lacago ay ku sheegeen in ay yihiin Baad.
Nimca Cabdow oo ka mid ah beeraleydaasi ayaa u sheegtay Goobjoog News in raggaan ay ku labisan yihiin dareeska ciidamada dowladda, islamarkaana lacagaha ay ka qaadanayaan aanay ahayn middii canshuurta.
“Waxaan cabsi ka qabnaa inaan beeraheena aadno, maxaa yeelay lacago baad ah ayaa maalin walba nalaga rabaa, waxay xiran yihiin raggaan baadda naga qaadayo dharkii dowladda, mana u jeedno cid naga qabaneysa” ayeey tiri Nimca.




From the comments