Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.
Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa looga dooday warbixin la xiriirta qaab siyaasadeedka Naafada Qaranka, waxaana sharaxay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali Ibraahim Muudey, isaga oo xusay in qorshahan ay ku howlaneed Wasaaraddu in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhameystiran oo ku aadan naafada Qaranka.
“Qorshahan waxaan ugu talo galnay inaan ku illaalino xaquuqda dadka Naafada ah, isla markaana loogu helo daryeelkooda, waana qorshe ay Wasaaraddu si gaar ah isaga xil saartay diyaarintiisa” ayuu yiri Wasiirka Shaqada oo ka hadlayay shirka golaha Wasiirada.





From the comments