Madaxweynaha maamlka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa goor dhaw oo maanta ah in magaalada Baydhaba ay ku yeeshaan kulan albaabada u xiran.
Malaaq Deyrow oo ka mid ah waxgaradka kulankaan ka qeybgali doona ayaa Goobjoog News u sheegay in ugu horeen arrinta ay tahay mid looga tashan soo xulista baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Malaaqa ayaa inoo sheegay in go’aan cad uu madaxweynaha Koonfur Galbeed kasoo saari doono arrinta ku aadan dhaliisha kasoo yeeraysa dadka deggan Seddax degmo oo ka mid ah gobalka Bakool iyo dhaliisha ay u hayaan xildhibaanada lasoo xulayo.




From the comments