Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.
Labada dhinac ayaa halkaasi waxay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, sida uu inoo sheegay qof ku sugan degmada Diinsoor oo sababo amni magaciisa uga gaabsaday.
Habeenkii xalay ahaa ayaa deegaanada xiisaddaan laga dareemayo waxaa la sheegay in uu ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Labadaasi dhinac, inkastoo aan khasaare lasoo sheegin.




From the comments