Roobab ayaa xilligaan waxa ay ka billawdeen deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe, xilli ay jiraan digniin ah in fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.
Roobabkaan oo hadda aan wax saameyn ah geysan ayaa si horudhac ah uga billawday gobalkaasi, iyadoo dadka ay wadaan dadaallo xooggan oo ay ku donayaan inay ku sameystaan difaacyo ku aadan fatahaad uu wabiga soo sameeyo.
Wariyaha Goobjoog News Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in magaalada Jowhar iyo deegaanno kale oo gobalka ah ay ka soconayaan dadaallo xooggan oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa Fatahaad uu sameeyo Wabiga.




From the comments