Goobjoog

Shir Looga Hadlayo Dastuurka oo Ka Furmay Muqdisho

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Federaalka Maxamed Cumar Carte ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uu ka furay shir looga hadlayo Dastuurka KMG ah. Shirkan waxaa qeyb galaya Wasiirka Dastuurka Federaalka Xuseen…

Shir Looga Hadlayo Dastuurka oo Ka Furmay Muqdisho

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Federaalka  Maxamed Cumar Carte ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uu ka furay shir looga hadlayo Dastuurka KMG ah.

Shirkan waxaa  qeyb galaya Wasiirka Dastuurka Federaalka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen iyo Kuwa Gobollada si meel iskula dhigaan qaabka ugu haboon ee Dastuurka lagu meelmarin karo.

Weriyaha Goobjoog News ee shirka ku sugan waxaa sheegayaa in ay soo xaadireen dhamaan Wasiiradda Dastuurka ee Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbland, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments