Taliyaha ciidamada Booliiska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo shalay safar ku tagay magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa sheegay in uu u kuurgalayo xaaladda ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha Booliiska Puntland Jeneraal Afgaduud oo taliyaha iyo saraakiishii la socotay kusoo dhaweeyay garoonka magaalada Garoowe, ayaa sheegay in taliyaha uu soo arki doono xerooyinka tababarada ciidamada Booliiska iyo sidoo kale saldhigyada.
Jeneraal Xaamud ayaa dhankiisa amaanay saraakiisha ciidamada Booliiska Puntland iyo sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay in socdaalkiisaan uu qeyb ka yahay safari uu ku tagi doono dhammaan maamul gobaleedyada dalka ka jira, si uu usoo arko xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.




From the comments