Odayaal iyo waxgarad kulan ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay wax kaqabato Is qabqabsiga xagga dhulka ah oo maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhayay magaalada Muqdisho.
Odayaashu waxa ay sheegeen in ay muddoyinkii ugu dambeeyay ay sii kordhaysay qilaafaadyada la xiriira dhulka taas oo ay ku tilmaameen in ay sii baahayso loona baahan yahay si degdeg ah in wax looga qabto .
Waxay si wadajir ah waxgaradka baaq ugu direen madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir, iyaga oo ugu baaqay in degdeg ay wax uga qabtaan xaaladahaan kusoo kordhay Muqdisho.




From the comments