Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo maanta kormeer ku tagay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doono wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, islamarkaana wadadaasi lagu dhisi doono canshuurta guryahay ee laga qaado shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay Gudoomiye Muungaab in bisha soo socota Bartamaheeda la dhagax dhigi doono wadadaasi, islamarkaana canshuurta laga qaado shacabka Muqdisho kaliya lagu dhisayo.
“Aduunka sida badan canshuuraha guryaha waxaa loo asteeyaa meel ka mid ah magaalada, tusaale caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabo kale, laakiin anaga waxaan u asteenay oo kaliya dhismaha jidka muhiimka ah ee Wadnaha” ayuu yiri Muungaab.




From the comments