Odayaal Iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa ka digay in si cadaaladda baal marsan loo qaybsado xildhibaanada Barlamaanka koonfur Galbeed oo wali soo xulidooda ka socota Goboladaasi.
Cabdi Maxamed Macalin oo ka mid ah waxgaradkaas ayaa sheegay in ay dareensan yihiin in ay jiraan gacan bidixaysi lagu soo xulayo xildhibaanada Barlamaanka Maamulkaas ee wali harsan.
Waxa uu sheegay in iyadoo dadka degan Deegaanadaas aan laga qaadin cod midaysan iyo waliba in ay iska soo dhax saaraan qofka ay doonayaan inuu u matalo xildhibaanadda Koofur Galbeed aan wax go’aan ah la qaadan karin.




From the comments