Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha ayaa War-Saxaafadeed ay soo gaarsiiyay Goobjoog News waxaa ay ku cambaareeyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, kuna tilmaamay in uu Musuq iyo Xagar-daamo ku hayo Mooshinka.
Xildhibaanada oo ka jawaabayey shirkii shalay ayaa ku eedeeyay Jawaari in 8 Xildhibaan cadaadis saaray si uu u dhaho waxay Matalaan Xildhibaanada Mooshinka iyagoo intaa raaciyay in ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen Jawaari mar haddii uu si sifoobey Musuq, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Xildhibaanada ayaa sheegay in sheekada ay tahay”Qaade iyo Qariye” mar haddii sharciga la iska weyneysiinaayo ayey sidoo kale qoraalkooda ku xuseen.




From the comments