Waxaa maanta magalada Garoowe ee xarunta Puntland lagu qabtay banaanbax Roob doon ah oo dhawaan maamulkaasi ku dhawaaqay.
Fagaaraha u dhaw xerada 54-aad ee duleedka Waqooyiga Garoowe ayaa lagu qabtay isku soo baxa, waxaana kasoo qayb galay maamulka gobolka Nugal, kan degmada Garowe, dadweyne farabadan oo isugu jiray rag, dumar iyo dhallaan.
Roob doonka waxaa ku dhawaaqday sabtidii la soo dhaafay wasaaradda cadaaladda Puntland, waxaana kulankii maanta ka maqnaa inta badan golaha xukuumadda Puntland, waloow ay joogeen wasiirka beeraha iyo Agaasimayaal dhawr ah.




From the comments