U bood dhigaalka

Kulan Lagu Soo Dhaweynayay Taliyaha Booliiska Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koonfurta Magaaladaasi ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu qabtay kulan lagu soo dhaweynayay Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo maalmahaan socod ku marayay deegaanno ka mid ah maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Kulankaan waxaa ka qeybgalay taliye Xaamud, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, saraakiil ciidan, Ururada Bulshada iyo shacab aad u badan.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Aweys Cali Saciid oo ah gudoomiyaha gobalka Mudug ee Galmudug waxaana uu sheegay in ciidamada Booliiska ay yihiin kuwa kaliya ee u taagan in amni buuxda dalka uu noqdo, isaga oo amaanay ciidamada Booliiska Mudug oo uu sheegay in howlo badan ay qabteen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in Booliiska la xoojiyo sida tababaradooda iyo qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, ayna yihiin hooyadii dalka.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay shaqadooda tahay ilaalinta hantida iyo nafta shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in safarkiisa ulajeedka ku duugan yahay in ciidamada Booliiska ay is dhexgalaan, kahor inta aanay bulshada dhex galin, waxaana uu tilmaamay in ciidamada mar walba uu farayo in shaqada ay qabanayaan u niyeestaan mid dadkooda iyo dalkooda u hayaan, maalinna laga abaal marin doono.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa safar ku bixiyay deegaanno ka mid ah Puntland, waxaana haatan uu ku sugan yahay dhanka Galmudug, isaga oo sheegay in ulajeedkiisu yahay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dhammaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Goobjoog News