Dr. Cabdi Ciise Diirshe ayaa sheegay in Qorshahan ujeedadiisu tahay in uu badalo qorshihii “New Deal” kaas oo bilowday September 2013-kii lana filayo in uu dhamaado September 2016-ka.
Qorsha New Deal ayaa ahaa in Hay’adaha dowladda laga taageero dhinacyo badan sida Siyaasadda, Maamulka, Amniga iyo dhaqaalaha.
Dr. Diirshe waxaa uu sidoo kale ka warbixiyay in shirka laga faa’idi doono in la ogaado halka loo socdo, isagoo soo qaatey dhulka la beeran karo ee Soomaaliya, Badda Kheyraadka ku jira, Xoolo Badan, Macdanta iyo Petroolka, qorshahanna uu yahay sidii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadkaas faraha badan.
Shirka Maanta waxaa Goobjoog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka qorsheynta Qaranka Cabdi Ceynte iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, waxaa sidoo kale agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo qeybo ka tirsan bulshada.
SAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURES
From the comments