Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay kullan ballaaran oo looga hadlayay maamul loo sameeyo gobalada Sool iyo Sanaag, waxaana ka qeybgalay Odayaal dhaqameed, xildhibaanno ka tirsan maamulka Khaatumo iyo siyaasiyiin.
Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeybgalay kulankaasi ayaa sheegay in muhiim ay tahay in maamul gobaleed loo sameeyo gobaladaasi, si ay uga mid noqdaan dowlad gobaleedyada Federaalka.
Kulankaan ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa Idaacadda Goobjoog la hadlay Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel oo mar soo noqday madaxweynaha Khaatumo, waxaana uu sheegay in la’isla gartay in la helo maamul mideeya Sool iyo Sanaag.




From the comments