Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ay kusoo qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin dil maanta xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir loogu geystay wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu u shaqeynayay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaraddaasi Maxamed Yuusuf oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in dilka ka dib ay ciidamada ammaanka sameeyeen howlgallo lagu soo qabqabtay dad badan, islamarkaana dadka lasoo qabtay ay Labo ka mid ah ku tuhunsanyihiin inay kaalin ka qaateen dilkaasi.
“Waxaa lasoo qabtay dad badan oo ay ku jiraan Laba Qof oo lagu tuhun sanyahay in dilkaasi ay wax ka sameeyeen ama wax ka fududeeyeen, sida dadka deegaanka inoo sheegeen, marka baaris ayaa ku socda, wixii kasoo baxana waan arki donnaa” ayuu yiri Afhayeenka.




From the comments