Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac uu ku yimid waqtigii loo madalsanaa in la furo kalafadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, kaas oo markii hore loo asteeyay 21-ka bishan ee October.
“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo ku qorsheysnaa 21ka Oktoober 2015 dib loo dhigay 25-ka Oktoobar 2015 si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Kalfadhiga”- ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
“Waxaa laga codsanayaa in Xildhiibaannada dhammantood ay dalka soo galaan diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka, sidoo kale Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha ayaguna iney ugu dambeyn dalka soo galaan 23ka Oktoobar 2015”- ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.




From the comments