Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyaga oo ka qeybgali doona shir la filayo in berri magaalada uu ka furmo, kaasi oo looga hadli doono arrimaha ku aadan hanaanka doorasho ay dalka uga dhici karto sanadka 2016-ka.
Magaalada Gaalkacyo waxaa kasoo baxay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo ay la socdaan xubno ka mid ah wasiirada maamulkiisa.
Gaas oo saxaafadda kula hadlay Garoonka Gaalkacyo ayaa sheegay in shirka ay geyn doonaan aragtida Puntland ee ku aadan doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016-ka.




From the comments