Aqoonyahan Shariif Roobow oo qabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in xilligaan aanay habooneen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dal shisheeye weydiisato inay bixiyaan mushaarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Heshiiskii dhawaan dowladda Federaalka ay magaalada Muqdisho kula gaartay dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa bixinta mushaarka ciidamada ayuu ku sheegay mid xilligaan laga haboonaa.
“Aniga ma qabin in wadan shisheeye uu bixiyo mushaarka ciidamada dowladda, sababtoo ah ciidanka waa meesha kaliya ee dowladi ka xooggan tahay, loona baahan yahay in dalalka kale aanay ogaan tirada ciidamadaada iyo awoodooda inta ay la egthaya, sirta ciidanka ma qarsana hadii dal shisheeye mushaarkooda uu dhiibayo, waayo waxaa la doonayaa xisaab celin, marka xisaab la celinayana waa qasab in tirada askarta mushaarka qaadatay la ogaado” ayuu yiri Aqoonyahan Roobow.




From the comments