Wararka laga helayo gobalada Gedo iyo Jubada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay ka da’een roobab mahiigaan ah, oo sababay khasaare naf iyo maal isugu jira.
Deegaanada Ilbeerto iyo Jiwaarey oo ka kala tirsan gobaladaasi ayaa la sheegay in biyahii kasoo rogmaday roobabkaasi ay sababeen in carrurtaan oo jiifay ay la tagaan.
Hooyo dhashay Laba ka mid ah caruurta geeriyootay oo ku sugan deegaanka Jiwaarey oo hoostagta degmada Saakow ayaa u sheegtay Goobjoog News, in si lama filaan ah ay biyo aad u xoogan kusoo galeen halkii ay deganaayeen.




From the comments