Waxgaradka gobalka Hiiraan oo kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxay ku baaqeen in la joojiyo dagala beeleed shalay ka dhacay galbeedka magaaladaasi.
Waxa ay sheegeen inay aad uga xunyihiin guud ahaan waxgaradka gobalkaasi dagaallada dhiigga ku daatay, waxaana ay ugu baaqeen dhinacyada is haya in xaaladda ay qaboojiyaan.
“Hadii aan nahay waxgaradka Hiiraan waxaan si wadajir ah ugu baaqeynaa in la joojiyo xabadda dhacaysa, waa in nabadda laga shaqeeyo, waa in wada hadal la’isugu yimaado, midda kale ciidamada AMISOM hadii ay ahaan lahaayeen Jabuuti iyo Itoobiya waxaan leenahay howshiina waad gabteen” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Odayaasha kulmay.




From the comments