Xildhibaan Hore C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo maanta marti ku ahaa barnaamijka Jimcaale ee Goobjoog News, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in shaqo la’aan ay noqdaan Hay’adihii dowladda oo jira, maadaama uu sheegay in hadda shaqadii ay la wareegtay Madasha Wada tashiga ah.
Waxa uu sheegay in hanaanka doorashada loo qabanayo laga doonayay inay diyaariso hay’addii fulinta oo ah xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay hadii ay iyaga gabeenna Baarlamaanka laga doonayay in sharci uu kasoo saaro arrinkaasi.
“Qalad weyn baa dhacay, arrintaan keenista wada tashiga waxa weeyaan wax la’isaga bartay tan iyo intii burburka jiray, Tan Labaad umadda Soomaaliyeed kedis bay ku noqotay arrintaasi, waayo ma ahayn wax horay loo sii shaaciyay, waxaa nasiib darro ah in hay’adihii dowladda ee jiray maanta yihiin shaqo la’aan shirkaan sida kasoo baxday, howshaan waxaa iska lahayd hay’adda siyaasadda, hadii ay gabtana Baarlamaanka uu sharci kasoo saaro, waxaa cadaatay in meel cidlo ah Labadoodii la taagay, hay’adda Fulinta kuma jirto masiirka umadda dadka la weydiinayo, 7 qof ayaa loo xil saaray, sida nimankaan Madasha ku socdaan sharci ma ahan, xukuumadda wax ay qabaneyso ma jiro waayo Barnaamij u yaallay oo loo ogyahay ama sii dhameytirayaan ma jirto, waqtigaan la joogana iyaga waaba lagala wareegay howshii, Baarlamaanka ayaa soo haray, 25 xubnood ayaa looga qeybgaliyay, mar hadii ay xubnahaasi shirka kasoo qeybgaleen wixii lasoo saaro baarlamaanka looma geynayo dalka waxaad moodaa inuu ku socdo dariiq mugdi ah, hadii hay’adaha dowladda oo kaashanaya madaxweynaha aanay arrintaasi wax ka qaban waayaan”




From the comments