Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ay kula wareegayaan deegaannada maamulkaasi ka taliyo ee ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.
Daahir Fiidow oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta maamulka Galmudug oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Federaalka ah ay dhawaan wajihi doonaan Degmada Xarardheere iyo deegaanno kale.
“Galmudug wey ka go’an tahay in deegaanadeeda ka xureyso Al-shabaab, waxaa xaqiiq ah in awoodda ciidamada Galmudug tahay mid muuqata, waxayna kaashan doonaan ciidamada dowladda Federaalka ah, waxaan waxaan qabaneynaa Xarardheere si shacabka looga dul qaado kuwa dhibka ku haya” ayuu yir Wasiir ku xigeenka.




From the comments