Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta Seddax Tuulo oo ka tirsan gobalka Baay, halkaasi oo in muddo ah ay maamuli jireen Xarakada Al-shabaab.
Tuulooyinka ay ciidamada la wareegeen ayaa lagu magacaabaa Mitir, Gurbaan iyo Kanaana, waxaana halkaasi isaga baxay ciidankii Al-shabaab, kahor inta halkaasi aysan tagin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xasan Aadan Yaroow oo hogaaminayay weerarka ay ciidamada dowladda ku qaadeen Tuulooyinkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay gacanta ku dhigeen Cabdullaahi Maxamed Axmed oo ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments