Ciidamada Kenya ee ka mid ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in gelinkii dambe ee shalay illaa xalay ay duqeyn ka geysanayeen deegaanka Yoontoy ee gobalka Jubada Hoose.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kenya madaafiic dheereeya ka ridayeen deegaanka Buulo-gaduud, waxaana in ka badan 10 madfac ay ku dhacday deegaanka Yoontoy.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiicdaasi ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, iyadoo waxyeelo ay soo gaartay dad shacab ah, balse aan lahayn tirada rasmiga ah.




From the comments