Hogaamiyaasha reer Yurub ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay ku heshiiyeen in deegaan la siiyo 100,000 oo qaxooti oo dheeraad ah.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay 11 Hogaamiye oo ka tisan Yurub iyo 3 ka timid Qaaradda Banaankeeda, dhamaan waxaa ay ka hadleen sidii wax looga badali lahaa Xaladda qaxootiga ku qulqulaya Yurub.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay gacanta ku qaban doonto ilaa 20 Kun oo Qaxooti, waxaa sidoo kale goobo laga dhisi doona xadka dalal la isku dhaho Balkaan ah, dalalkan ayaa dhaca halka ay Qaxootiga u sii maraan Jarmalka iyo iskandanefiyanka, dalalkaas ayaa sheegay in aanay awood u laheyn hoy siinta qaxootigan.




From the comments