Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxaa aad looga dareemayaa tiro yari ku aadan Arigii ganacsiga loo keeni jiray magaalada, ka dib markii saameyn uu ku yeeshay roobabka Xilliga Deyrta ee gobalada dalka ka curtay.
Mid ka mid ah ganacsatada Ariga ku iibisa magaalada Muqdisho oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda uu aad u yar yahay tiro ahaan Ariga ganacsiga loo keeno Suuqayada magaalada.
Waxa uu sheegay in qiimo ahaan aanu jirin wax isbedalay oo ku yimid, hase ahaatee xilligaan ay tahay oo kaliya in suuqyada laga dareemayo hoos u dhaca ku yimid tirada arrigii maalin walbo la keeni jiray.




From the comments