Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedka Waddamada Afrika iyo India ee iskaashiga dhaqaalaha.
Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale , ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada New Delhi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda India iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhida India Ebyan Saalax.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya dhammaann 54-ka dal ee qaaradda Afrika ay ka kooban tahay, waxaana diiradda lagu saarayaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka.





From the comments