Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta Laba Bil dheeraad ah siiyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, si uu usoo magacaabo golahiisa wasiirada ee bedali doona kuwa hadda jira.
Xildhibaanada Jubbaland ayaa ku kulmay xaruntii Caymiska ee magaalada Kismaayo, waxaana kulanka ku sugnaa 59 mudane, iyadoo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Seddaxaad ee baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif.
Codeynta oo ahayd gacan taag ayaa 54 mudane waxay u codeeyeen in muddo Laba Bil ah loogu daro Axmed Madoobe, si uu wasiirada usoo magacaabo.




From the comments