Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay maqaayad ku taalla deegaanka Deynuunay ee gobalka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhaawac ah.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Maqaayadda qaraxa uu ka dhex dhacay ay ku shaahayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wararka ay intaa ku darayaa in halkaasi ay ku dhaawacmeen Afar Askari iyo haweeneydii maqaayadda lahayd.
Dhaawac askarta ayaa loo soo qaaday isbitaalka magaalada Baydhaba, waxaana qaarkood la sheegay in xaaladooda ay tahay mid daran.




From the comments