Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo wafdi uu hogaaminayay.
Xubnaha uu Ra’iisul wasaare ku xigeenka hogaaminayay ayaa ah guddiga dhawaan loo magacaabay Fatahaadaha iyo roobabka Elnino, iyaga oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.
Magaalada Baydhaba ayeey kulan kula qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana ay kala hadli doonaan sida looga hortagi karo fatahaad ka dhalata roobabka xilliga Deyrta ah.




From the comments