Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dowladaasi u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews iyaga oo ka wada hadalay arrimo u badan taageeridda ciidanka xoogga dalka.
Waxay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan ciidanka Xoogga dalka, iyadoo Danjire Harriett ay sheegtay in dowladeeda ay mar walba garab taagan tahay ciidanka xogga dalka.
Harriett Mathews ayaa sheegtay inay bixinayaan mushaarka ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad, iyadoo tilmaantay in kaalin ay ka qaadan doonaan sidoo kale dib u dhiska xeryaha ciidamada si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka.




From the comments