Gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay gudoomiyahii hore ee gobalka Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ka dib munaasabad ballaaran oo ka dhacday aqalka dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan waxaa ka qeybgalay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirada, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Waxgarad, Gudoomiyeyaasha gobalka Banaadir, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Gudoomiyahii hore ee gobalka Banaadir Mr Muungaab oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ka hadal wixii uu qabtay mudadii uu shaqeynayay, isagoona waxyaabaha uu wareejinayay ay ku jirtay sida uu sheegay lacag dhan 200 kun oo doolarka Maraykan ah iyo Labo Bilyan oo shilin Soomaali ah.




















From the comments