Maamulka Khatumo ayaa sheegay in ay ka hortagayaan Sanaadiiq cod bixin ah oo Maamulka Somaliland uu geeyay Degaano hoostaga Maamulkaasi.
Goobaha la sheegay in sanaadiiqdan la geeyay ayaa ka mid ah Sool iyo Sanaaag halkaas oo marar badan ay iska hor imaad uu ku dhaxmaray Ciidamo kala taageersan Maamulada Somaliland iyo Khatumo
Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Axmed Maxamed Xasan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Maamulkooda uusan aqbali doonin in doorasho Somaliland ay ku qabato Degaanada ay iyaga ka taliyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments