Maamulka degmada Mahadaay ee Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa la tacaalaya ka hortagga daadadkii ka dhashay Fatahaadii uu dhawaan degmadaasi ka sameeyay webiga Shabelle iyo roobabkii ka da’ay halkaasi oo saameeyay Nolosha dadka iyo duunyada.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada ee Maamulka dagmadaasi Saalax Fuleel Xaaji oo ka mid ahaa Xubno isugu jira Odayaal dhaqameed iyo Maamulka dagmada oo booqday Qoysas ay aad u saameeyeen daadadka Roobka iyo Fatahaada webiga ayaa sheegay inay aad u adagtahay Nolosha shacabka dagmada Mahadaay,
Waxa uu tilmaamay in raashin gargaar ah oo loogu talagalay shacabkaasi lagu dejiyay baqaaro ku yaala Magaalada Jowhar arintaasi oo uu ku tilmaamay inay dhaawaceyso howlihii samafalka ee ka soconayay Gobolka Shabellaha Dhexe isaga oo fariin u diray Maamulka Gobolkaasi iyo dhamaan hey’adaha Samafalka ka shaqeeya ee jooga Gobolkaasi.




From the comments